Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Afisyone ee Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kulan kula yeeshay wafdi Mareykan ah oo ay hoggaamineysay Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka Marwo Victoria Nuland.
Wafdiga Mareykanka oo maanta Muqdisho soo gaaray waxaa kulanka ku weheliyay Danjiraha Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Mudane Larry André. Xasan Sheekh iyo Haweeneyda Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda ee Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ee ka dhaxeeya labada dal, sii wadista taageerada dowladda Maraykanka ay siiso Soomaaliya, sida gaar ahaan gurmadka abaaraha, dowlad dhiska, horumarinta adeegyada bulshada, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka argagixisada.
War kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Danjire Victoria Nuland ay ugu horreyn madaxweynaha ugu hambalyeysay xilka loo doortay, ayna sheegtay in dowladda Maraykanka ay door weyn ka qaadan doonto gurmadka abaaraha dalka, iyada oo muujisay sida ay uga go’an tahay adkeynta taageerada saaxiibtinimo iyo xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uga mahadceliyey dowladda Maraykanka taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah, isaga oo tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso gurmadka abaaraha, maalgashiga, deyn cafiska iyo xoojinta xiriirka diblamaasayeed ee dalalka caalamka.



