Wednesday, July 17, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u jawaabay Abiy Ahmed. “Itoobiya iyadaa caalamka wareegeysa..”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jawaab culu u diray Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, isagoo Itoobiya ku eedeeyay inay xadgudub ku heyso Qaranimada Soomaaliya, ayna tahay dowladda caalamka wareegeysa.

“Dawladda Itoobiya weligeed intay si derisnimo ah noogu timi marna nagalama hadlin arrimaha maanta taagan. Nasiibdarro, iyadaa caalamka wareegalaysannaysa meel kasta oo leh hanala heshiisiiyo Soomaaliya. Soomaaliya maaha tan xadgudubtay ama diiddan heshiiska, Soomaaliya waxay diyaar u tahay heshiis, nabad iyo deris wanaag” ayuu yirii Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 5-aad ee labada Aqal Baarlamaanka Soomalaiya ayuu si cad u sheegay inaysan jirin cadaawad ay u qabaan Itoobiya, balse ay iyadu tahay dalka xadgudbaya.

Ad

Turkiga ayuu sheegay inay Itoobiya ka codsatay in la heshiisiiyo Soomaaliya, iyaduna ay ahayd tan codsiga wadatay, laakiin nasiib darro inaysan waxba iska bedelin mowqifkeedii, taasoo keentay in wadahadalkii Turkiga la madlo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON