Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee u dhow xafiiskiisa Madaxtooyada Soomaaliya.
Kormeerka ayaa yimid iyadoo isku shaandheyn iyo isbedel la filayo in lagu sameeyo hoggaanka Booliska Soomaaliyeed iyo kan Gobolka Banaadir, waxaana madaxweyne Xasan Sheekh miiska u saaran xil ka qaadista Taliyaha Booliska Jen. Cabdi Xasan Xijaar iyo taliyeyaasha kale.
Xasan Sheekh ayaa u sheegay ciidamada Booliska in dowladdan cusub ay xoogga saareyso labo istiraatiijiyadood oo lagula dagaallamayo argagixisada, si looga ciribtiro guud ahaan dalkeenna, taas oo ay laf-dhabar u yihiin Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dhammaan Ciidamada Qalabka Sida.
“Dowladdaan cusub waxaa u degsan labo siyaasadood oo ay argagixisada kula dagaallameyso, waxaan rabnaa in aan kula dagaallanno hab fikri ah, diiniyan ah, waddaniyad ah oo aan dadka Soomaaliyeed ku tusineyno beenta ay wadaan argagixisada. Sidoo kale waxaan rabnaa in aan kala dagaallanno ilaha ay ka helaan dhaqaalaha, annagoo hab sharciya u mareyno, dadka Soomaaliyeedna ku qancineynno in aan la aqbaleynin in ay argagixisada dhaqaale siiyaan” ayuu yiri Madaxweynaha.
Wuxuu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, wuxuuna warbixinno ku saabsan xaaladda guud ee amniga dalka, sharciyadda booliska, hannaanka shaqo ee Taliska Booliska, baahiyaha Ciidamada, caqabadaha ka haysta qalabka ay ku shaqeeyaan iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuuoo kulan gaar ah la qaatay Taliska guud ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Talisyada hoggaannada, Taliyeyaasha ciidamada gaarka ah iyo Taliska qeybta guud ee Booliiska Gobolka Benaadir.