Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa lagu magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Badda & Difaaca Xeebaha Soomaaliya.
Taliyaha cusub waxaa loo magacaabay Admiral Cabdi Warsame Cismaan, iyadoo xilkii laga qaaday Taliyihii hore ee ciidamada Badda oo isla madaxweyne Xasan Sheekh hore u magacabaay sanad ka hor.
Gaashaanle Sare Mubaarak Cabdiqani Muuse ayaa xTaliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed soo ahaa tan iyo Bishii November 2022.
Taliyaha cusub ayaa la sheegay inuu muddo ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed, isagoo soo noqday taliye xigeenka ciidanka Badda & Difaaca xeebaha Soomaaliya.