Sunday, April 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo gababeynaya joogitaankiisa Dhuusamareeb iyo..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo weli ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa shalay saraakiisha guutooyinka ciidamada Gorgor ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed kulan gaara kula yeeshay xarunta howlgalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Dhuusamareeb, isagoo ka saraakiisha ka dhageystay warbixinno ku saabsan dagaalka lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka socda uu yahay halgan gobonimo u dirir ah oo la mid ah dagaalkii lagu raadinayay xorriyadda shacabka Soomaaliyeed iyo qarankooda loogana soo horjeeday gummeystaha shisheeye.

Ad

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Dhuusamareeb tegay 5-tii August ayaa dhowr maalmood ku sugnaa degmaa Wabxo, isgoo ujeedkiisu ahaa xoojinta dagaalka Al-Shabaab.

Iyadoo ay dhowr jiho gobollada Galgaduud iyo Mudug ka bilowdeen dagaallo la doonayo in Alshabaab looga xoreeyo degaanada ay ku hareen ee maamulka Galmudug ayaa Madaxweynaha la filayaa inuu Muqdisho kusoo laabto.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON