Saturday, April 19, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo socdaalkiisii 8aad ugu dhoofay dalka Uganda iyo Faahfaahin laga helay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalka Uganda.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalka Uganda Yoweri Museveni.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in labada madaxweyne ay ka wada-hadli doonaan xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga dhinaca ammaanka.

“Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda waxa uu ka qeyb gali doonaa madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca waxsoosaarka, si loo sii horumariyo, loona xalliyo wixii caqabado ah oo ku xeeran,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Villa Somalia.

Uganda ayaa noqoneysa dalkii sideedaad ee uu booqasho ku tego madaxweynaha tan iyo markii dib loo doortay 15-kii May 2022. Waxa uu horey u booqday dalalka Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Tanzania iyo Masar.

Booqashada ayaa imaneysa maalin kadib markii golaha shacabka uu ansixiyey golaha wasiirada cusub, taasi oo ka dhigan in dalka hadda uu leeyahay xukuumad rasmi ah kadib bilo ay shaqeyneysa xukuumad xil-gaaris ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON