Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal kale ku gaaray dalka Eritrea, iyadoo uu safar shaqo uga bilowday magaalada Asmaraa.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in socdaalka madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay booqasho shaqo, isla markaana Garoonka magaalada Asmara ee dalka Eritrea uu kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.
Labada Madaxweyne ayaa yeelan doonaan Galabta wadahadal laba geesood ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka labada dal iyo sidoo kale arrimo badan oo muhiim u ah iskaashiga labada dal, sida lagu sheegay qoraalka Madaxtooyada Soomaaliya.
Socdaalkan ayaa noqonaya kii lixaad muddo 2 sano ah iyo markii saddexaad sanadkan gudihiisa tan iyo markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna socdaalkii ugu danbeeyay halkaasi ku tegay Bishii Maarso ee sanadkan 2024.