Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si toos ah ugu jawaabay siyaasiyiin iyo kooxo abaabulan oo ku eedeeyay inuu Madaxweynaha maamulka Somailand ee Muuse Biixi ku heysto kaliya saxiixa heshiiska Badda ee uu la galay Itoobiya.
Isagoo ka hadlayay xuska munaasabadda 26-ka Juun ee Muqdisho ayuu ku adkeystay midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya iyo sida ay uga ka go’an tahay ilaalinteeda, wuxuuna difaacay mowqifkiisa Badda uu Muuse Biixi siiyay Itoobiya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si adag uga hadlay xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya, waxa uu sheegay in heshiiska aan sharciga ahayn ee dhexmaray Muuse Biixi iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya uu yahay mid si toos ah uga horimaanaya qaranimada iyo midnimada Soomaaliya.
“Hal mid ayaa i dhibtay oo aan sax ahayn: “Waa kuwa yiri; Somaliland anagu inaan bixino ayuu diidan yahay Xasan Sheekh oo isagaa raba inuu bixyo.. Waa been.. Yaan la idinku khaldin” ayuu yiri Xasan Sheekh oo ka jawaabay eedaha reer waqooyiga qaarkood u soo mariyeen Baraha Bulshada.
“Arrinta aan diidannahay ma ahan horumar iyo iskaashi la soo kordhiyo ee waa in dhulkeenna la qaato. Mitir dhulkeenna ah in la qaatana ma ogalin. Shalay Dekedda Berbera annagu ma bixin, saas oo ay tahay kama daba hadlin, waayo waxaa noo muuqatay in aan la qaadanayn oo ay ahaanayso deked Soomaaliyeed, balse maanta arrinta taagan taas waa ka duwan tahay”. ayuu yiri Xasan Sheekh.
“Waxaa jira dad aan u bixiyay ‘Dadka Yowmul-qiyaamaya” waa dadka hooga, Balaayada iyo jabka kaliya ka hadla oo meel walba la taagan. Waxaa ka mida kuwa aan noo ogoleyn wada dunida noo ogoshay”.” ayuu yiri Madaxweynaha oo ka hadlay dadka mucaarada dowladiisa ee sida uu yiri aan arkin horumarka la gaaray.
Wuxuu u jawaabay kooxo uu sheegay inuu hunguri xumo ku dhacday iyo siyaasiyiin xukun ku raadinaya been abuur ay faafiyaan, wuxuuna yiri “Kuwa aan maalinna ka hadlin in Alshabaab al iska dhiciyo… Wiil yar oo irsaaqada meel xun ka gashay iyo Mid siyaasaddu ka qaloocatay oo xumaan iyo hoogga sheega inuu libin siyaasadeed u arka oo weliba raba oo inuu dalka u taliyo beri, waan u duceyneynaa.. Soomaaliya waa socotay.. meel fog ayaan u soconaa ee yaan nala daahin”.
Farriinta Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si toos ah ugu socotay Siyaasiyiinta kooxda Farmaajo iyo taageerayaashooda oo muddooyinkan danbe Baraha bulshada ka waday weerar toos ah oo ka dhan ah Xasan Sheekh.