Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa la sheegay inuu si Kumeelgaar ah ugu guuray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xassan uu si KMG ah shaqqooyinkiisa caadigan ah ka wadi doono magaalada Dhuusamareeb oo ay ka socdaan abaabulka dagaal Alshabaab.
“Waxyaabaha muhimadda u leh dowladnimada iyo dowlad-dhiska ayuu ka shaqeyn doonaa inta uu magaalada joogo taasi oo ay u horreyso amniga iyo dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaannada Galmudug iyo Hirshabelle,” ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada.
Madaxtooyadu ma sheegin muddada u qorsheysan inuu Madaxweyne Xassan Shiikh ku shaqeeyo magaalada Dhuusamareeb, basle wararka qaar ayaa shaegeya inuu joogi ilaa aakhirka bisgan.
Ciidamada Soomaaliya ayaa u diyaargaroobaya wareegga labaad ee guluf ka dhan ah Al-Shabaab kaasi oo ka bilaabanaya maamullada Galmudug iyo Hirshabelle.