Saturday, October 12, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shir ugu yeeray Siciid Deni iyo madaxda Dowlad Goboleedyada

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan iskugu yeeray madaxda Dowlad Goboleedyada, kadib casuumaad qoraal ah oo uu u kala diray.

Madaxweynaha ayaa casuumaadda kulanka Golaah Wadatashiga Qarna ee Muqdisho ka dhacaya ku casuumay madaxda maamul goboleedyada Puntland, Jubaland, Koonfur Glabeed, Galmudug, Hirshabelle iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa qoraalka madaxweynuhu lagu sheegay inuu ka dhici doono Muqdisho inta u dhaxaysa 20-ka ilaa 21-ka Bishan April oo ku beegan Axadda toddobaadka dambe.

Ad

“Shirkan ayaa looga hadli doonaa arrimo masiiri ah oo ay ka mid yihiin la dagaalanka argagixisada iyo dhammaystirka dastuurka dalka,” ayaa lagu yiri warqadda martiqaadka ee madaxweynuhu uu u kala diray madaxda dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo hadda ku sugan dalka Imaaraadka Carabta, ayaa xiriirka u jaray dowldada Federaalka Soomaaliya, lamana oga inuu ka qaybgeli doono shirka lagu casuumay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON