Monday, May 20, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay Cidda bixisay Dhulka laga dhisay Masjidka Cali Jimcaale

Masjid weyn oo casri ah ayaa maanta laga furay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ku tukadeen madaxda dowladda Federaalka, mas’uuliyiin iyo dadweyne fara badan.

Masjidkan Cali Jimcaale ayaa waxaa agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ka dhisay Ganacsade Axmed-Nuur Cali Jimcaale, waxaana ku baxay kharash dhan 12 Milyan oo Dollar, iyadoo dhulka uu ku fadhiyo oo aad u weyn uu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay inay bixisay dowladda Soomaaliya.

Dhulkan uu ku fadhiyo Masjiska cusub ee Cali Jimcaale ayaa ka mid ahaa dhul ku dhow Garoonka Diyaaradaha oo dowladii Xasan Sheekh hoggaaminayay 2012 ilaa 2017 ay ka kicisay dad shacab ah, iyadoo markaas loo sheegay in dan guud laga dhigay, balse markii danbe ay soo baxday in qaab kale loo bixiyay.

Ad

Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaaraha Xamza Cabdi Barre, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo madax badan ayaa salaadda ciidda ku tukaday masjidka cusub ee Cali Jimcaale, kaasoo naqshadiisa kaga soo qaatay Turkiga.

“Masjidkan oo dhulka laga hirgaliyayay ay dowladdu bixisay; waxaan rabaa in aan u mahadceliyo dadkii soomaaliyeed ee dhaqaalahooda galiyay, sida tabarucaadda ahna u dhisay, tanina waa astaan wanaagsan oo muujineysa sida dowlad iyo shacabba aan mas’uuliyadda isaga saareyno diinteenna suubban. Waan ilaalinaynaa, waan dhowreynaa; wixii horumarinaayo diinta ayaan sameyneynaa”. ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay furitaanka Masjidka.

Madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed iyo muslimiinta caalamkaba ugu hambalyeeyey maalmahan barakaysan ee ciidda Carafo, gaar ahaan farxadda ciidda oo ah munaasabad qiimo weyn ku leh diinteenna Islaamka iyo dhaqankeenna suubban.

- Advertisement -

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in shacabka Soomaaliyeed ay xoojiyaan doorkooda ku aaddan nabadda iyo horumarka dalka, waxa uuna ku adkeeyey in ay dowladda ku gacan siiyaan sidii looga hortagi lahaa dhagarta argagixisada ka soo horjeedda dowladnimada Soomaaliyeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON