Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa fulineysa toogashada dhammaan xubnaha Alshabaab ee hore loogu xukumay Dilka Toogashada ah, kadib markii ay sanado badan ahaayeen Dl-sugayaal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu saxiixay toogashada ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo ku xukuman Dil toogasho ah, balse aan lagu fulin xilligii Madaxweyne Farmaajo.
Maxkamadda ayaa bishan dardar ku bilowday Toogashada, waxaana ilaa iminka la toogtay 4 xubnood oo Alshabaab ka tirsanaa, kuna eedeysnaa falal dilal khaarijin ah, iyadoo 26 kale la filayo in la toogto maalmaha socda.
Xukunka Dilka toogashada ah ayaa waxaa ka horjeeda dalalka reer Galbeedka iyo Hay’adaha xuquuqda Aadanaha, inkastoo Mareykanka uu ka mid yahay dalalka xukunka Dilka adeegsada, haddana waxaa aad u yar dadka lagu fuliyo.
