Wednesday, February 19, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Sharcigii Hay’adda NISA iyo Sharciyo kale

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta saxiixay Sharciyo ay ansixiyeen labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, kuwaas oo qaabilsan dagaalka Argagixisada iyo Sirdoonka.

Sharciyada uu Madaxweynaha saxiixay waxay kala yihiin:

1- Sharciga Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman,

Ad

2- Sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka

3- iyo Sharciga Korontada Qaranka.

Saxiixa sharciyadda oo ka dhacday Xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa uga mahadceliyey Labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, sida ay u turxaan bixiyeen shuruucdan, una ansixiyeen.

- Advertisement -

Madaxweynaha ayaa sheegay in Sharciga NISA uu ahaa mid muhiimad gaara leh, iyagoo sharci aanu jirin muddo dheer, sidoo kalena Sharciga Korontada uu yahay mid kale oo muhiim ah.

“Dal casri ah oo qawaaniintu sareyso ayaan rabnaa, dalkani dowladiisa tallilaab kasta oo ay qaadeyso hadddi ay hormar tahay, amni tahay, siyaasad tahay dhamaan waxaa ay ku saleysnaanayaan sharciyad, waana sababtaas sababta aan wadaxaajoodka ugu jirta Dastuurka ugu jirno.” ayuu yiri Madaxweynaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON