Saturday, April 26, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay Nuqulka Cusub ee Dastuurka ay ansixiyeen Baarlamaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee ay wax-ka bedeleen xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo sharci loo bedelay.

Nuqulka cusub ee madaxeynuhu saxiixay ayaa ka kooban Cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka Federaalka, kaasoo ay shalay ansixiyeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dhammeystirka Dastuurku uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, sinaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkaynta iyo dhisida hay’ado dowladeed oo hufan.

Ad

Waxaa munaasabadda saxiixa Nuqulka Rasmiga ah ee cutubyada Dastuurka ee wax laga bedelay goobjoog ka ahaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo maamulka Puntland iyo siyaasiyiin caan ah ay ka horjeesteen wax ka bedelka lagu sameeyay Dastuurka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON