Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu socdaalkii labaad Berri uga dhoofo dalka, kadib doorashadiisii 16 May 2022, isagoo kusii jeeda dalka Turkiga.
Socdaalka Madaxweynaha oo ah kii labaad ayaa qaadan doona saddex maalmood, waxaana uu daka Turkiga kula kulmi doonnaa madaxda dalkaasi oo uu ku jiro Madaxweyne Recep Dayyip Erdogan, iyadoo Turkigu yahay dal saaxiib weyn la ah Soomaaliya oo ka taageera Amniga iyo Mashaariicda.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka qeybgeli doona Dood is-weydaarsi uu soo qabanaabiyay Mac-hadalka SETA Foundation oo looga hadlayo xiririka Soomaaliya iyo Turkiga, kaasoo 5-ta bishan ka dhici doona magaalada Ankara.
Xog la helay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ogolaaday heshiisyo cusub oo Turkiga lala gelayo oo ay ka mid tahay inuu Soomaaliya ka howlgalo Bankiga Ziraat ee dowladda dalkaasi leedahay.
