Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarkii lixaad intii uu noqday madaxweynaha Soomaaliya 16 May 2022 maanta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, isgoo ka dhoofay caasimadda Muqdisho.
Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay in inuu ka qayb-geli doona Shir madaxeedka dalalka Suuqa dhaqaaaha Bariga Afrika (EAC), isagoo madaxda dalalkaas uga warbixin doona fursadaha dhaqaale ee Soomaaliya.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa taageeya oo ku casuumay shirka madaxweynaha Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay muddo raadineysay ku biirista Bulshada Bariga Afrika (EAC).
Ururka EAC waxaa ku mideysan 7-dal oo uu ka dhexeeyo hal Baasaboor iyo suuq muhiim u ah Gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, Uganda iyo Tanzania.
Diblomaasi reer Burundi ah ayaasheegay in waddankiisu uu guddoomiyenimada EAC kala wareegayo dalka Kenya, isla markaana uu taageeri doono musharraxnimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in dalal kalena ay Soomaaliya taageeri doonaan.
Soomaaliya ayaa sanadkii 2016-kii gudbisay codsiga ka mid noqoshada Dalladan, taasoo ana wlei la aqbalin, waxaana jira fa’iidooyin iyo dhibaatooyin is barbar yaalla oo ku saabsan ku biirista Soomaalitya ee ueurka EAC, wxaan faa’iiidooyinka ka mida fududeynta socdaalka dadka Soomaaliyeed iyo Suuq-geynta wax-soosaarkooda.

