Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sii jeeda dalka Jabuuti, isagoo u sii gudbi doona dalka Mareykanka, socdaal kale oo uu dalka uga baxayo Madaxweynaha.
Safarka Madaxweynaha ee dalka Jabuuti ayaa ah kii saddexaad ee uu dalkaasi ku tago muddo shan bilood ah, gudahood, wuxuuna dalkaasi tegay bilihii July iyo Oktoobar 2022.
Wararka ayaa sheegaya inuu Madaxweynaha ka qeyb galayo xeritaanka xeritaanka Shirka Mac-hadka Heritage ee ka socda dalka Jabuuti.
Waxaa kaloo la filaaa inuu Madaxweyne Xasan Sheekh tago dalka Mareykanka, halkaas oo uu uga qeygeli doono Shirka Afrika iyo Mareykanka oo uu marti gelinayo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale ay u tahay markii labaad ee uu tago dalka Mareykanka, isagoo hore dalkaasi u tegay bishii September 2022.
Madaxtooyada ayaa shaacisay in Madaxweynaha uu dadka u jeedin doono khudbad ku saabsan xaaladda dalka iyo dagaalka Alshabaab inta uusan dalka ka dhoofin.
