Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maqaal ka qoray dagaalka Alshabaab ee ka socda dalka, kaasoo uu iclaamiyay, wuxuuna ku adkeystay in la joogo waqtigii Alshabaab laga adkaan lahaa, dalkana laga xoreyn lahaa.
“Al-Shabaab waxay u bareereen dilka, naafaynta, baadda iyo dhaca shacabka Soomaaliyeed oo ay caadeysteen inay xoog uga qaataan hantidooda. Waa cadawga iyo halista ugu weyn ee maanta ay ummaddeena iyo qaranimadeenu wajaheyso, ayna tahay inaan cududeena iskugu geyno” ayaa ka mid ahaa qormada Xasan Sheekh.
“Xilligan adag oo dhibaatooyin bini’aadannimo iyo kuwa dhaqaale ka jiraan dalkeena, kooxdan qowleysatada ahi waxay qarxiyeen ceelal biyoodyo dadka Soomaaliyeed iyo xooluhuba ka cabayeen, waxay gubeen degaanno shacab Soomaaliyeed ku noolayeen. Waxay si xoog ah ay uga qaataan xoolaha nool ee shacabku dhaqdaan, waxayna lacago baad ah ka sameeyaan ganacsiyada iyo shaqsiyaadka kale ee la daaladhacaya sidii ay u soo saaran lahayeen nolol maalmeedkooda.
Kooxdani waa Kansar inagu dhexjira, waana inaan iskugu geynaa awooddeena si wadajir ah inaan diinteena, dadkeena iyo dalkeena uga badbaadino. Haddii sidaas eynaan yeelin, mustaqbalka dalkeena iyo jiilasha soo socdaba mugdi ayay geli doonaan.
Waxaan bogaadinayaa geesinimada ay muujiyeen shacabkeena Soomaaliyeed ee adkaysiga badan ee ku bahoobay tageerida ciidamadooda amniga si ay uga dhiidhiyaan tacadiyada iyo gumaadka kooxda Al-Shabaab ay ku hayaan dadkeena iyo qarankeena.
Fariinteena mideysani waa ay caddahay: mar dambe nooma cagajugleyn doonaan, nama qabjabin doonaan, nama sii dili doonaan, mana sii socon doonto baadda xoog-sheegadka ah ee ay shacabka ka qaadaan. Waxa aan nafteena, shacabkeena iyo dalkeena ka difaaci doonaa argagixisada caalamiga ah. Argigixisadu saaxiib iyo guri kuma sii yeelan doonto Soomaaliya” ayuu qormada ku yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
HALKAN KA AKHRISO QORMADA MADAXEYNE XASAN SHEEKH
