Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta gaaray magaalada Asmara ee dalka Ereteriya.
Safarka Madaxweynaha oo qaadanaya labo maalmood ah ayey Madaxtooyada Soomaaliya sheegtay, inuu ku saabsan yahay adkaynta xiriirka labada dal, kor u qaadidda iskaashiga difaaca, amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa Garoonka magaalada Asmara kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Eritrea.
Wasiirka Warfaafinta ee Eritrea Yemane Meskel ayaa sheegay in socdaalka Madaxweynaha Somaliya uu yahay mid shaqo, kadib markii uu casumaad u fidiyay madaxweynaha Eritrea.
Waa socdaalkii shanaad ee Madaxweyne Xasan Sheekh ku tago dalka Eritrea tan iyo July 2022, wuxuuna safarkii ugu danbeeyay Eritrea ku tegay bishii Janaayo 2024, toddobaad ka dib markii ay Itoobiya heshiiska Badda la gashay Maamulka Somaliland.