Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta goobjoog ka ahaa xil-wareejinta Agaasimihii horee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA ayaa si weyn u difaacay Mahad Salaad, isagoo shaaciyey qaabka uu xilka uga tegay.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu Mahad Salaad isagu doortay inuu xilka NISA ka tago, isla markaana uu leeyahay rabitaan uu doonayo inuu xaqiijiyo xilal iyo mas’uuliyado kale, isagoo qiray inuu saaxiib dhow la ahaa Mahad, isla markaana uu weli ku kalsoon yahay.
“Mahad Salaad waa saaxiibkey taas xan maaha, dhowr iyo toban sano ayaan isla soo joognay. waa nin aan bartay kuna kalsoonaaday, waa aqaanay, welina waan aqaan, waana ku kalsoonahay, halkaan kalsoonidaas ayuu ku yimid, maantana isagaa rabitaankiisa uga tegay” ayuu yiri Xasan Sheekh, inkastoo warbaahinta dowladda aysan baahin qeybtan ka mida khudbadii xil wareejinta maanta.
Madaxweynaha ayaa beeniyay warar laga faafiyay Agaasimaha hore ee NISA Mahad Salaad, isagoo caddeeyay inuu xilka uga tegay rabitaankiisa. “Mahad -Salaad- howlo kale iyo adduunyo kale oo weyn ayuu u sii socdaa, meeshaan meel laga neceb yahay oo laga dhaliilo ma aheyn,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimihii xilka Hay’adda NISA uga horeeyay Mahad Salaad ayaa si joogo ah u faafiya inuu Mahad Salaad la shaqeeyo Alshabaab iyo eedo kale oo aan weli wax caddeyn ah loo helin.