Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo asaray wareegto lagu magacaabay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Taya-Dhawrka Soomaaliyeed, sida lagu baahiyey Bogga Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 44 oo uu ku magacaabay Maareeyaha cusub ee Hay’adda Taya-Dhawrka Soomaaliyeed, wuxuuna u magacaabay Cali Yaasiin Gurbe.
Madaxweynaha ayaa xilkii ka qaaday maareeyihii hore ee hay’adda Aadan Xasan Barre. Magacaabidda Cali Yaasiin Gurbe, loo magacaabay inuu noqdo Maareeyaha cusub ee Hay’adda Taya-Dhawrka Soomaaliyeed ayaa dhaqan galeysa maanta.
Xilka Maareeyaha Hay’addan ayaa muran ka taagnaa xukuumadii Rooble, iyadoo xil ka qaadis uu sameeyay Wasiirkii Ganacsiga laga hor yimid, waxaana la joojiyey heshiis lala galay shirkad Tayo-dhowr ah oo fadeexadi ka dhalatay.
