Shirka Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee toddobaadlaha ah ayaa maanta qabsoomaya, iyadoo uu markii ugu horeysay ka qeybgalayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Golaha Wasiirada kala hadli doono xaaladda dalka, iyadoo la filayo in laga soo saaro go’aanno ku saabsan dagaalka ka socda Gobollada qaar ee Alshabaab lagula jiro.
Farriin loo diray Xubnaha Golaha Wasiirada ayaa loogu sheegay inuu Shirka maanta kasoo qaybgeli doona Madaxwayne Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo muujinaya muhiimada shirka, Arrimaha dib u xoraynta dalka iyo dagaalka Argagixisadda.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu Golaha Wasiiirada ku booriyo xoojinta shaqadooda xilligan dagaalka lagula jiro Alshabaab, kadib gaabis ku yimid shaqada Golaha Wasiirada.