Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la sheegay inuu ku sii jeedo Gobollada ay ka socdaan dagalalad alagula jiro Alshabaab, isagoo markii ugu horeysay la kulmi doona ciidamada iyo saraakiisha hogaamneysa dagaalka.
Safarka madaxweynaha ayaa qaadan doona dhowr maalmood, wuxuuna tegi doonaa degaano ka tirsan gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug oo dagaalka lagula jiro Alshabaab uu ka socdo, qaarna hadda abaabulkiisu la wado.
Wararka laga helay madaxtooyda ayaa sheegaya inay Madaxweynaha safarka ku wehlin doonaan wasiiro iyo xildhibaanno kasoo jeeda degaandaaasi, ayna degaanada madaxweynaha tegi doonaa uga hormari doonaan qaar kale iyo ciidamo sugaya amniga.
Goobaha uu Madaxweynuhu tegi doono waxaa ka mida: Maxaas, Baxdo iyo Wisil , ha;a warar kal sheegayaan imnuu gaari doono saldhigyada ciidamada iyo Aaggaga hore.
Safarka Xasan Sheekh ayaa imaanaya xilli uu hakad galay dagaalkii ka socday Hirshabeelle iyo Galmudug, iyadoo dib u qiimeyn lagu sameynayo istiraatiijiyada dagaalka Alshabaab lagu wajahayo.