Tuesday, February 18, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kusii jeeda Dalka Qatar iyo Wafdi hordhac ah oo gaaray Doha

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar kale ugu dhoofaya dalka Qatar, iyadoo wafdi hordhac u ah ay gaareen caasimadda dalkaasi ee magaalada Doha.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Cali Maxamed Cumar (Balcad) ayaa shalay gaaray magaalada Doha ee dalka Qatar, isagoo u gogol xaaraya booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee dalkaasi oo ah markii saddexaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xiriir dhow la leh Imaaraadka Carabta ayaa dadaal ugu jira sidii uu taageero dhaqaale uga heli lahaa dalka Qatar oo si weyn hoos ugu dhigtay xiriirkii ay la lahayd Soomaaliya, kadib markii uu Doorashada looga adkaaday Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo oo hadda degan Magaalada Doha.

Ad

Horaantii bishan May 2023 ayay khadka Telefoonka ku wadahadleen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Sheekh Maxamuud iyo Amiirka dalka Qatar Tamim Bin Hamad Al-thani sida ay werisay wakaalada wararka ee dalka Qatar.

Inkastoo ay dalalka Imaaraadka iyo Qatar ka heshiiyeen xiisadii Khaliijka ee dhex martay, haddana weli dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh kuma guuleysan inay taageero ka helo dalka Qatar, waxayna hadda si weyn ugu tiirsan tahay Imaaraadka Carabta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON