Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Goor dhoweyd dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa inuu mar kale u dhoofo dalka Jabuuti.
Socdaalka Xasan Sheekh ee dalka Kenya ayaa qaatay muddo 24 saacadood ah, wuxuuna magaalada Nairobi madaxweynaha Kenya kula gaaray heshiis ka kooban 11 Qodob oo hore u diyaarsanaa, kaasoo labada dhinac ay isla meel dhigeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu sii maris ahaan u yimid Garoonka Magaalada Muqdisho, isla markaan waxaa la filayaa inuu isla maanta u dhoofo dalka Jabuuti oo booqasho kale uga bilaaban doonto. Wuxuu la kulmi doonaa madaxda dalka Jabuuti oo uu ka mid yahay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Xiriirka Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa gaaray heerkii ugu xumaa intii uu talada hayey Madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo arrintaas ay ahayd taariikh madow oo dowladaasi ay dhigtay.
Waxaa kaloo la filayaa inuu socdaalkiisii lixaad ku tago dalka Itoobiya, isagoo la kulmi doona madaxda Itoobiya, siiba Ra’iisal wasaaraha dalkaasi Abiy Ahmed.
Itoobiya ayaa ahayd saaxiibka ugu weyn ee dowladii hore, isagoo Farmaajo isbaheysi saddex geesood ah la sameysatay madaxda dalalka Itoobiya iyo Eritrea, kaasoo aan weli la faahfaahin.