Wararka ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu saaka kormeer ugu amba-baxay qaar ka mid ah deegannada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta Alshabaab.
Qoraalka Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha u kuurgleli doono xaaladda, isagoo warbixin ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada iyo abaabulka dagaalka lagaga xoreynayo dalka waxa uu furimaha dagaalka kaga dhagaysan doonaa Talisyada iyo Saraakiisha hoggaaminaysa howlgallada.
Safarkan oo ah mid milateri ayaan faahfaahin dheeraad ah laga bixin, waxayna wararku sheegayaan inuu madaxweynaha tegi doono degaano ka mida Gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug.
Waxaa madaxweynaha la socda wasiiro iyo xildhibaanno kasoo jeeda degaanada uu booqanayo, waxaana la filayaa inuu safarkiisa kusoo dhammaado magaalada Beledweyne.
Diyaargarow lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga dareemayaa degmada Wabxo iyo Degaanka Wisil, waxaana si weyn loo adkeeyay amniga degaanadaasi oo ciidamo badan la isugu geeyay.