Thursday, October 10, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Xuska 1-da Luulyo iyo Qodobkii ugu muhiimsanaa

Madaxweynaha Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saqdiii dhexe ee xalay munaasabadda calansaarka iyo xuska 1- July 2022 oo ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh oo markii ugu horeysay ka qeyb galay xaflad furan intii kasoo bogsaday cudurka Covid19 ayaa khudbad uu jeediyey hambalyo u diray dadka Soomaaliyeed, isagoo ka hadlay qiimaha sanadguurada 62-aad ee xoriyaddii Gobollada Koonfureed iyo Midowgii Koonfur iyo Waqooyi.

Wuxuu faahfaahin ka bixiyey qorshihiisa dowladda cusub la imaan doonto, isagoo sheegay inay arrinta Somaliland ku wajahayaan wahadal ku dhisan is qancin, isla markaana ay diyaar u yihiin wax kasta oo ay ku qanci karaan gobollda waqooyi.

Ad

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sharxay sida uu doonayo in Soomaalida ay dhexdeeda heshiiso, sida heer degaan, maamul Hoboleed iyo heer Qaran, iyadoo dib u heshiisiinta laga soo bilaabayo qeybta ugu hooseysa ee bulshada.

Qodobka ugu muhiimsan ee khudbdiisa ayaa aha Dib u heshiisiinta siyaasadda, isagoo sheegay in Heshiis laga gaaro siyaasadda uu k uxiran yahay Dastuurka, kaasoo marka lagu heshiiyo, laga heshiin doono siyaasadda, balse weli uu qabyo yahay Dastuurkii Dalka, wuxuuna ballanqaaday inay dadaalkiisa geli doonaan sidii loo dhammeystiri lahaa.

Wuxuu baaq u diray dadka Soomaaliyeed, isagoo ka codsaday inay taageeraan dadka abaaraha dhibaateeyeen, kana qeyb qaataan gargaarka loo fidinayo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON