Tuesday, September 17, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka guuray Dhuusamareeb iyo Qorshihiisa cusub

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho, kadib muddo laba bilood ah oo uu fadhi ka dhigtay magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug.

Xasan Sheekh oo dhowaan tegay safarro ku tegay dalka Eritrea iyi magaalada Xudur ee Gobolka Bakool, maamulka K/Galbeed ayaa dib ugu laabtay magaalada Dhuusmareeb, balse waxaa hadda la sheegay inuu kasoo laablaabtay halkaasi.

Qorshaha cusub ee Madaxweynaha ayaa lagu sheegay inuu isu diyaarinayo safarro uu ku tegayo dalalka Yurub, isagoo ka qeyb geli doona shir ciidamada Soomaaliya taageero loogu raadinayo.

Ad

Ciidamada Soomaaliya ayaa u diyaar garobaya inay dhammaadka sanadka 2024 amniga kala wareegaan ciidamada Midowga ATMIS ee la filayo inay dalka ka baxaan, waxaana socda qorshe ay wadaan shan dal oo lagu doonayo in ciidamada dowladda Federaalka loogu helo dhaqaale iyo Hub.

Wejigii koowaad ee dagaalka Alshabaab ayaa weli qabyo, iyadoo madaxweynuhu aanay u suuragelin inuu Alshabaab ka saaro maamul goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle, taaso dib u dhigtay wejigii labaad ee dagaalka.

Ciidamada ilaalada iyo shaqaalihii madaxweynaha la socday ayaa la sheegay in dhammaan laga soo qaadayo Magaalada Dhuusamareeb, taasoo inuu soo dhammaaday joogitaankii Madaxweynaha ee Dhuusamareeb.

- Advertisement -

Safarradda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kusoo beegmaya iyadoo ay dunida ka taagan tahay xiisad ka dhalatay dagaalka ka socda Dhulka Falastiin, kaasoo laga cabsi qabo inuu sii fido.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON