Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sameeyay magacaabis cusub, isagoo Madaxtooyada kusoo kordhiyay La-taliye u qaabilsanaan doona Arrimaha Ciidamada.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska madaxweynaha ayaa loogu magacaabay S/Gaas Cabdullaahi Gaafow Maxamuud in uu noqdo La-taliyaha Madaxwaynaha Ee Arrimaha Ciidamada Qalabka Sida.
Jeneraal Gaafow oo hore u soo qabtay xilal kala duwan ayaa waxa uu ka mid noqonayaa la-taliyeyaasha faraha badan ee Madaxweyne Xasan Sheekh sida joogtada ah magacaaabayo.
Warar Xul ah