Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul u difaacay dhammeystirka Dastuurka KMG ah, isagoo u jawaabay siyaasiyiinta Mucaaradka ee ka horjeeda Dastuurka oo ay ugu horeeyeen Madaxweynayaashii hore.
Isagoo Masjidka Madaxtooyada ka hadlayay kadib salaadii Jimcaha ayuu Xasan Sheekh ku adkeystay in Baarlamaanka ka doodayo Dastuurka, meeshaashina ay tahay halka sharciga ah in lagu meel mariyo.
“‘Dastuurka inuu dhamaado ayaan rabaa, weliba aniga gorgortan iigama jirto, maxaa yeelay waan ballanqaaday, anniga haddaan fiicnayn Berri ayaa doorasho soo socotaye ee na dhaaf i dhaha; Shalayna waa la idhahay sow maaha.. laakin dastuurka inuu dhammaado ayaan rabaa” ayuu si kulul u yiri Xasan Sheekh.
Isagoo si toos ah ula hadlayay, una jawaabaya madaxweynayaashii hore ee hadda ku sugan magaalada Garowe ayuu yiri: “Dadka diidan ee dacwoonaya diidan xikmadooda waa inaan la socon, waxayna diidan yihiin inuu dib u eegis loogu sameeyo sida uu qorayey Dastuurka”.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay inaysan furneyn in Dib loo dhigo Dastuurka, balse ay furan tahay in laga doodo qodobadda, iyadoo dastuurka wax laga bedeli karo inta looga qaadayo afti dadweyne.