Wednesday, September 18, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiye ku xigeen koowaad oo cusub u magacaabay Gobolka Banaadir

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo saaray xeer uu ku magacaabayo Mudane Ismaaciil Macallin Cabdi Guure oo noqonaya Guddoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Gobolka Banaadir, ahna Guddoomiye Ku –xigeenka dhanka Maamulka iyo Maaliyadda.

Xeerkan cusub ayaa Madaxweynaha waxaa uu soo saarey markii uu garowsadey baahida loo qabo in la magacaabo mas’uul xilkan qabta.

Mudane Ismaaciil Macallin Cabdi Guure ayaa horey uga mid ahaa ku xigeennada maamulka gobolka Banaadir. waxaase hadda uu noqonayaa guddoomiye ku xigeenka Koowaad, iyadoo aanu hore u jirin guddoomiye ku xigeen koowaad balse ay wada sinnaayeen guddoomiye ku xigeenada, waxaase ku xigeenka koowaad lagu sheegi jiray ku xigeenka dhinaca siyaasadda.

Ad

Goobjooge.com

 

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON