Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tegay magaalooyinka Xarardheere ee Gobolka Mudug iyo iyo Ceeldheer, Gobolka Galgaduud, isagoo khudbad u jeediyay dadweyne isu soo baxay.
Xasan Sheekh oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), wasiirka arrimaha Gudaha Axmed Macalin Fiqi iyo mas’uuliyiin kale ayaa ku hormaray degmada Xaradheere oo muddo sanad ah ka hor laga xorreeyay Alshabaab.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dadka Xarardheere ku bogaadiyay sida ay isaga difaaceen Alshabaab iyo geesinimada ay muujiyeen, wuxuuna sheegay in laga adkaan doono Alshabaab, isla markaana la sii horumarin doono degaanada laga xoreeyay Alshabaab.
Waa booqashii ugu horraysay ee madaxweynaha Soomaaliya uu ku tago Xarardheere iyo Ceeldheer tan iyo markii ay qabsadeen ciidamada dawladda bishii Jannaayo 2023-ka.