Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal aaan hore loo sii shaacin maanta ku gaaray magaaladda Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.
Wafdiga madaxweynaha waxaa Magaalada Jowhar kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, wasiiro iyo xildhibaanno ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ee magaalada Jowhar ayaa la sheegay inay la xiriirto dardar gelinta Dagaalanka Alshabaab oo dowladda Federaalka ay diyaarineyso wejiga labaad.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Jowhar uga dhawaaqay inuu bilowday wejiga labaad ee dagaalka Alshabaab oo in muddo ah dib u dhac ku yimid.
Ciidamada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la geeyay magaalada Jowhar, waxaana si weyn loo adkeeyay Amniga, iyadoo ay hadda bilowdeen wadahadallada magaalada Jowhar uga socda madaxweynaha iyo Madaxda Hirshabeelle.
Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu isla maanta u gudbi doono magaalooyin kale oo ka tirsan Hirshabelle, kadibna tegi doono Galmudug.