Monday, April 15, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beeshiisa ku dhaliilay laba Arrin iyo Beel uu amaanay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeer u maraya degaano ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe ayaa si weyn u dhaliilay beesha degta Gobolka Sh/Dhexe ee uu kasoo jeedo, kadib heshiis ka dhacay magaalada xeebta ah ee Cadallae.

Isagoo waxgaradka beelaha, ciidamada iyo Odayaasha dhaqanka kul hadlay degaanada Nuur Dugle, Masjid-Cali-gaduud iyo Cadalle ayuu madaxweynaha Soomaaliya u sheegay in degaanada Beeshani oo kaliya ay kusoo hareen isbaarooyinka iyo jidgooyada lacagaha looga qaado shacabka, laguna dhibaateyo.

Amarro uu soo saaray Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa in qofkii lagu soo qabto isagoo qori la taagan Jidadka sharciga la marsiin doono, isla markaana aysan jirin cid ugu imaan karta, sidoo kalena ay Alshabaab la mid yihiin kuwa dadka dila ee fitnada ka dhex abuura Beelaha.

Ad

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale Beesha uu kasoo jeedo ku dhaliilay dagaalasa jufooyinka iyo beelaha soo noqnoqday ee ka dhacay GobolkaSh/Dhexe, iyadoo dagaalkii ugu danbeeyay lagu dilay mid ka mida beelihii dagaalamay.

Dhinaca kale Xasan Sheekh ayaa Beesha Maxamed Muuse ku bogaadiyey sida ay Alshabaab ula dagaalamayaan iyo go’aanka ay ka qaateen, wuxuuna beelaha kale ee degaanka ugu baaqay inay ku daydaan Beeshaasi.

Madaxweynaha ayaa maalmihii ugu danbeeyay kormeer ku maray goobaha dagaalladu ka socdeen iyo degaanada laga qabsaday Alshabaab ee Gobollada Hiiraan, Galgaduud iyo Sh/Dhexe.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON