Saturday, February 24, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ballanqaad culus u sameeyay Ciidamada Xoogga Dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo saacado loo xiray wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda Muqdisho.

Wuxuu u sheegay saraakiisha iyo hoggaanka ciidamada inay xoogga saaraan howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda argagixisada ah ee Al -Shabaab. Xasan Sheekh ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wxuuuna kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyaan talisyada kala duwan ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sida ay faafisay Madaxtooyada Soomaaliya, Madaxweynaha ayaa qalabka isgaarsiinta Xoogga Dalka kula xiriiray qaar ka mid ah saraakiisha iyo ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan jiidaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al- Shabaab, waxa uuna ku bogaadiyey sida naf-hurninada leh ee ay dharaar iyo habeen walba heegan ugu yihiin difaaca dadkooda iyo dalkooda.

Ad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kormeerkiisii ugu horreeyey ku tagay Wasaaradda Gaashaandhigga kaddib dib u doorashadiisa ayaa u kuur galay xaaladda Ciidamada Qalabka Sida, waxaa uuna muujiyey sida ay dowladda Federaalka uga go’an tahay xaqiijinta amniga guud ee dalka.

“Maanta, waxaan booqday Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska xoogga dalka. Waxaan ku faraxsanahay inaan arko ciidamadeena geesiyaasha ah sida ay uga go’an tahay difaaca dadkooda & qarankooda. Waxaan la hadlay hogaanka ciidamada waxaana xasuusiyay waajibka ka saaran difaaca Soomaaliya & shacabkeena. Waxaan ballanqaaday inaan ka taageeri doono wax kasta oo suurtagal ah” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo qoraal kasoo saaray kormeerkiisa.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON