Wednesday, February 19, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Amar kasoo saaray Saraakiisha Imaaraadka ee lagu dilay Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay weerarka lagu dilay saraakiil u dhalatay dalka Imaaraadka Carabtay oo maanta lagu dilay xerada Ciidamada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo Isbitaalka Digfeer ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaraadka Carbta ee galabta ku dhaawacay falkii dhacay Xerada Janaraal Gorod ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta.

“Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.” ayuu yirir Madaxweynaha

Ad

Xasan Sheekh wuxuu si adag u cambaareeyey falka lagu dilay Saraakiisha Imaaraadka oo uu sheegay inay wakhtigooda u hibeeyeen dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, wuxuuna faray Laamaha Amniga in ay baaritaan degdeg ah ka soo sameeyaan gaabka amni iyo duruufaha ku xeeran dhacdadan.

“Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.”.

Warka kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya laguma sheegin tirada saraakiisha Imaaraadka ee ku dhintay Weerarka iyo kuwa ku dhaawacmay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON