Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale maanta u dhoofay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isasgoo halkaas uga qeyb galaya shirka Bangiga Horumarinta Afrika.
Socdaalkan ayaa noqonaya kii shanaad oo Xasan Sheekh ku tego dalka Kenya muddo laba bilood gudahood ah, wuxuuna safarkii ugu danbeeyay dalka Kenya ku tegay 10 maalmood ka hor oo ku beegneyd 18-ka Bishan may 2024.
Sidoo kale waa Safarkiisii labaad ee Xasan Sheekh si xiriir ah muddo laba toddobaad gudahood ah ku tegayo magaalada Nairobi, isagoo Bishii hore ee April kaliya halkaasi tegay laba jeer.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa isna maanta u dhoofay magaaladda Nairobi, halkaasoo la sheegay inuu uga qeyb galayo kulanka 17-aad ee guddoomiyaaasha baarlamaanada ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC).
SAFARADDA MADAXWEYNAHA EE DALKA KENYA
18 May 2024: Madaxweynaha Soomaailiya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay magaalada Nairobi, socdaalkan ayaan faahfaahin badan laga bixin, marka laga reebo inuu Madaxweynaha kala hadlay safarkiisii Mareykanka.
28 April 2024 – Wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh u tegay magaalada Nairobi ka qayb-galka Shirka IDA21 ee Madaxweynayaasha Afrika iyo Bangiga Aduunka.
11 April, 2024; Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa safar shaqo ku tegay dalka Kenya.
28 Febraayo 28, 2024; Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tegay magaalada Nairobi halkaas oo uu kala qeyb-galay shirka Madaxda Caalamka Meertada 6-aad ee Qaramada Midoobeey ee Isbeddelka Cimilada.