Tuesday, October 3, 2023

Madaxweyne Xasan Sheekh ma fadhiyo Villa Somalia ee waxaa lagu hayaa Imaaraadka (Qormo Culus)

-

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud-kii aan aqiinay ee ay Soomaali dooratay ma arko, qof u eg balse aan aheyn Xasan Sh Maxamud-kii runta ahaa ayaa hadda dhex fadhiya Villa Somalia.

Xasan Sheekh Maxamuud-kaan aqiinay wuxuu ahaa Xasan waddani ah, Xasan nabadoon ah, Xasan beelaha Soomaaliyeed u caddaalad fala, Xasan ka foojigan danaha shisheeyaha, Xasan aan oggoleyn in kheyraadka dalka la boobo, Xasan eysan ka suurta gelin inuu dalka bohol ku rido, Xasan dhageysta tallooyinka xildhibaannada iyo wax walba ee laga fisho madaxweyne dadkiisa iyo dalkiisa u damqanaya.

Madaxweynahaan dooranay ee Xasan Sh. Maxamud ahaa waa nalaga xaday, waxaana lagu sameeyay waxa la yiraahdo “Cloning” oo ah koobi lagu sameeyo dadka, xoolaha, dhirta iyo xasharaadka.

- Advertisement -

Madaxweyne Xasan Shekh Maxamuud ma fadhiyo Villa Somalia ee waxaa lagu haayaa Imaaraadka, Villa Soomaaliyana waxaa fadhiya mid u eg balse aan aheyn madaxweynaheenii dhabta ahaa.

Inteysan Soomaaliya ku dhicin bohol aan dib looga soo saari karin oo eysan talo gacmaheena ka bixin, Soomaaliyey aan Imaaraadka ka doonno madaxweynaheenii originaalka ahaa, koobigoodana u celino.

Ogaada koobiga ayaa raba inuu bixiyo kalluunka, shidaalka, dekedaha iyo kheyraadka dalka oo dhan, laakin kan originalka ah waxaa ma oggola, lagumana soo hadal qaadi karo.

Koobi original ma noqdo. Haddaad maanta igu tala diidaan maalin ay xeero iyo fandhal kala dhaceen ayaad ii markhaati furi doontaan.

W/Q: Cali Cabdullaahi Coosble
Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Hay’adda NISA oo Sufyaan Taakeeye kasoo dejisay Muqdisho iyo dowlada Kenya…

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa shaaicay inay gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed (Taakeeye) oo ah weriye hore, kaasoo furtay...

Maxkamadda G/Banaadir oo sii deysay Agaasimeyaal iyo xubno lagu waayey Musuqmaasuq

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa dhameystirtay habaabka xoriyad siinta, siina deysay xubnihii lagu waayey eedihii xatooyada xoolo-dadweyne ee lagu soo oogay.Xubnahan oo xeer ilaalinta kusoo...

Siyaasi iyo Nabaddoon Caan ah oo ku Geeriyooday Magaalada Muqdisho

Waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday Nabaddoon iyo siyaasi caan ah oo soo noqday Safiir iyo Duqii hore ee Magaalada Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle.Marxuumka...

Wararkii ugu danbeeyay Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Istanbul

Qarax is-miidaamin ah ayaa ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, iyadoo faahfaahin dheeraad ah ay kasoo baxeyso.Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Cali Yerlikaya ayaa...

Ciidamada Dowladda iyo Macaawisley ku dagaalamay Degmada Maxaas

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa beelaha degaanka ay Galabta ilaa caawa ku dagaalameen degmada Maxaas.Dagaalka ayaa...

Siyaasiyiinta Mucaaradka Lafta-gareen oo Dalab culus hordhigay Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb kulan kula yeeshay siyaasiyiinta kasoo jeeda K/Galbeed Soomaaliya ee mucaaradka ku ah madaxweynaha maamulkaasi C/casiis Lafta-gareen.Siyaasiyiintan...

Xubno Alshabaab ka tirsan oo mar labaad Dil Toogasho ah lagu xukumay

Laba Nin oo hore loogu helay inay ka tirsanaayeen Alshabaab ayaa mar labaad lagu xukumay Dil Toogasho ah, iyagoo la sheegay inay dilal qorsheysan...

XOGAHA QARSOON

Xog laga helay kulan Qarsoodi ah oo Turkiga ku dhex maray Sh. Shariif iyo Farmaajo

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa kulan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku dhex maray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Shariif...

Taliye Caan ahaa oo lagu la’ yahay Dagaalkii Cows-weyne iyo Xaaladii…

Ehelka Sarkaal Sare oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inay la' yihiin Taliye ciidamada ka mid ahaa ciidaadii ku sugnaa aagga...

Dowladda Somaliya Shirkad Shiinees ah u kordhisay Heshiis Kalluumeysi oo mugi ku jiray

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis shatio Kalluumeysi u cusbooneysiisay shirkad dalka China ka socota oo hore dowladii hore ay u siisay shatiyo kalluumeysi oo...

XOG: Maxaa ka jira in Xilka laga qaadayo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir..?

Waxaa isa soo taraya wararka ku saasban xil ka qaadista Guddomiyaha Gobolka Banaadir Guddomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale oo la sheegay inuu qarka u...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you

error: Content is protected !!