Tuesday, December 10, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed oo ka qeyb galaya shirweyne ka dhacaya Nairobi

Madax dalal badan oo ay ka mid yihiin Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ka qeyb galaya shirweynaha Meertada rshirweynaha 6-aad ee ururka Qaramada Midoobay ee Arrimaha degaanka oo ka dhici doona magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la xaqiijiyey inuu magaalada Nairobi u tegi doono shirka Qaramada Midoobay ee u qaabbilsan Arrimaha deegaanka.

Waxaa hordhaca shirka Soomalaiya uga qeyb galeysa wasiirka wasaaradda deegaanka iyo isbeddalka cimilada Khadija Mohamed Al-makhzoumi iyo safiirka safaaradda soomaaliya ee dalka kenya danjire Jabril Ibrahim Abdulle.

Ad

Shirweynahan oo socon doona ilaa 1-da Maarso ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgeli doona Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo dalkiisak u meteli doona shirka, waana shirkii saddexaad ay wadajir uga qeyb galan madaxda Somaliya iyo Itoobiya intii ay jirtay xiisadda Itoobiya abuurtay iyo heshiiska ay la gashay maamulka Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hore u caddeeyay inuusan wax kulan ah la yeelan doonin Ra’iisal wasaaraha Itoobiya inta uu ka laabanayo heshiiska xadgudubka ah ee uu ku doonayo inuu ku qaado Dhul iyo Bad Soomaaliyeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON