Tuesday, September 10, 2024

Madaxweyne Xasan Sheekh: “Heshiiska Mlilateri ee Turkiga kuma saleysna in Itoobiya lagu duulo”

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee dowladiisa la gashay dalka Turkiga, kaasoo ay isla maanta ansixiyeen Golayaasha Wasiirada iyo Labada Aqal ee Baarlamaanka.

Khudbad toos ah oo uu shacabka u jeediyay goor dhoweyd ayuu si weyn u amaanay kaalinta Turkiga iyo sida uu u taageeray Soomaaliya laga soo bilaabo sanadkii 2011, markii ay dhacday Macaluushii Soomaaliya iy gurmadii ay u fidiyeen.

“Dowladda Turkiga Heshiiska aan la galnay inay nagu kaalmeyso sidii aan Baddeena u difaaci lahayn. Heshiiska aan galnay waa heshiis difaac iyo horumarin wada socdo, ujeedkuna waa inaan yeelano ciidan Badeed. Ma rabto in Turkiga ku duulaan Itoobiya, mana aha inaan dal saddexaad ku duulno.. Heshiiskan wuxuu nagu saacidayaa inaan Baddeena ilaashano iyo wax kasta oo dhibaato u geysanaya.. Waan rajeynayaa inay dowladda Itoobiya ka waantowdo inay dhul Soomaaliyeed qaadato.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ad

Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in Turkiga uu yahay dal ay aamini karaan, isla markaana aysan jirin dowlad ama dal kale oo arrintan ka saacidi kara Soomaaliya ama diyaar noo ah, iyadoo Turkigu uu noqday dalka kaliya ee noo diyaara.

“Dadka soo malaiyeed waxaan u sheegayaa heshiiska waa mid dhaqaale iyo milateri, mana jiro dowlad kale oo lagu dhibayo…” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON