Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ka sheegay inuu muddo 5 Bilood ah oo ka dhiman sanadkan 2023 kusoo afjari doono Alshabaab.
isagoo ka hadlayay kulan dadweyne oo su’aalo lagu weydiiyay ayuu Madaxweynuhu ballanqaaday in sanadka ka harsan Shabaab laga weyn doono dalka ama uu kusoo hai doono meelo yaryar oo aanay dalka wax ugu dhimi karin.
Alshabaab oo degaano badan gacanta ku heysa, isla markaana dhaqaale badan iyo ciidan sameysatay ayaan la ogeyn sida arrintan looga dhabbeyn karo, balse madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sameeyay ballanqaadyo kale.
Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheega in Dastuurka la dhammeytiri doono, la qaadi doono xayiraadda Hubka ee saaran Soomaaliya iyo in Deyn cafinta lasoo gabagabeyn doono.
Doorashada dalka ayuu dhinaca kale sheegay inay sanadkan go’aan ka gaari doonaan Doorashada, mar kaleba aysan dhcii doonin inay Soomalida hoggamiyaan dad aysan soo dooran.