Friday, March 28, 2025

Madaxweyne Waare: “Xasan Sheekh ayaan wacay, wuxuuna iigu jawaabay: maxaa kaa galay arrimaha Duulimaadka..” [Daawo]

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay wixii maanta ka dhacay garoonka Beledweyne ee keenay in muddo badan dib u dhacaan magaalada Beledweyne.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay inay been tahay xayiraad la saaray wafdiga madaxweynayashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed, isla markaana uu isagu la wadaagay warbixinta roobka ku da’ay Garoonka Beledweyne oo ahayd inaan lagu degi karin, siib diyaaradaha waaweyn.

Madaxweynaha Hirshabeelle aya sheegay inuu telefoon ka wacay Madaxweyne Xasan Sheekh una sheegay inaan diyaarad u duuli karin Garoonka Beledweyne, balse uu nasiib darro si kulul ugu jawaabay isagoo ku yiri: “Maxaa kaa galay Duulimaadyada rayidka (Civil Aviation)..” ayuu yiri Madaxweyne Waare oo xaqiijiyey inay isaga iyo Ra’iisal wasaaraha maanta ku sii jeedeen magaalada Beledweyne, balse ay ka baaqsadeen.

Ad

Wuxuu sheegay in diyaaradda ay u dhaqantay si mas’uuliyad darro iyo xirfad xumo ah oo ay halis gelisay wafdiga madaxweynayaashii hore, isla markaana ay la xisaabtami doonaan shirkadda iska leh diyaaradaasi.”

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON