Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaaciyay inay dowladda Federaalka maanta soo gaarsiisay lacagtii ay sanadkii hore ugu yaboohday wax ka qabashada fatahaadda magaalada Beledweyne iyo deeqdii ka timid Jabuuti.
Qoraal uu soo dhigay baraha Bulshada ayuu Madaxweyne Waare ku sheegay in maanta ay soo gaartay saddex lacag oo fatahaadda Beledweyne loogu talogalay.
“Waxaa maanta 10/5/2020 naga soo gaaray Dawladda Federalka Soomaaliya: $600,000 Dawladda Jabuuti Hiil Walaal $500,000 Dawladda Federalka Somaliya $42,000 Guddiga Gargaarka Heer Qaran oo loogu talogalay fatahaadda” ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweynaha Hirshabeelle oo u mahadceliyey Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Jabuuti.
Arrintan ayaa ka danbeysay markii Guddiga Gurmadka Magaalada Beledweyne ay shaaciyeen inaysan soo gaarin lacagtii dowladda Soomaaliya ballan qaaday iyo deeqdii Jabuuti, taasoo dhalisay fadeexad dowladda Soomaaliya lugaha la gashay, waxaana muuqata in qeylo dhaantaasi ay keentay inay lacagtan oo xayirneyd 7 bilood ugu danbeyn ay bixiso dowladda Federaalka.
