Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo galabta degdeg ugu laabtay magaalada Beledweyne, isagoo ka yimid dalka Kenya ayaa caawa Shir jaraa’id qabtay, isagoo ballanqaaday in cid kasta oo ka dambeysay dilka Taliyihii Booliiska Gobolka Hiiraan Col. Maxamed Mocow lasoo qaban doono, lana hor keeni doono cadaaladda.
Madaxweyne Waare ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Col. Mocow, wuxuuna dadka Reer Beledweyne ugu baaqay in ay is-dejiyaan oo muujiyaan xasilooni, wuxuuna caddeeyay in Guddiga Dowladda Federaalka magacowday, iyo Guddi Wasiira ah oo isagu uu magacaabay ay baaritaan dhab ah ay ka sameyn doonaan kiiska iyo cidii fulisay, cidii amartay, iyo ujeedada laga lahaa ayna ka soo bixi doonaan xaqiiqda.
Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in Madaxweyne Waare ay in muddo ah ku qaadatay inuu gudaha u galo xarunta maamulka, isagoo in muddo ah ku sugnaa magaalada duleedkeeda, waxaana galbiyey ciidamada Militariga dowladda Somalia.
Mudane Waare ayaa la sheegay inuu Caawa ku hoyanayo xerada ciidamada Lama-galaay, waxaana qeybo ka mida magaalada ku sugan maleeshiyo hubeysan, iyadoo ay xiisad kacsan ka jirto, isla markaana bannaanbaxayaal ay maalmihii ugu danbeeyay wadooyinka gooyeen.
Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay xil ka qaadista guddoomiyihii hore ee Gobolkaasi Yuusuf Dabageed oo tan iyo intii ay dhacday shaqaaqada lagu dilay taliye Macow aan warkiisa la maqlin.