Madaxweynaha Hirshabeelle oo waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu danbeyn magacaabay xubnaha Guddiyada Doorashooyinka ee Maamulka Hirshabeelle.
Guddiga Doorashooyinka heer federaal waxaa Hirshabeelle uga mid noqonaya: C/naasir Maxamed Guuleed iyo Maxamed Maxamuud Caddow. Halka guddiga xalinta khilaafaadka ay uga mid noqonayaan xubnaha kala ah: Farxiya Xasan Cusmaan iyo Liibaan Cusmaan Nuur.
Hirshabeelle ayaa ahayd maamulkii ugu danbeeyay ee laga sugayey inuu soo magacaabo xubnaha Guddiyada Doorashada, iyadoo maamulkaasi oo waqtigiisu dhammaaday uu hareeyay khilaaf ku saabsan Doorashada.
HOOS KA AKHRISO
