Sunday, March 23, 2025

Madaxweyne Waare oo ku amray Saraakiisha Imtixaanka Dowladda Somalia inay ka baxaan Maamulkiisa

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta maamulkiisa ayaa amar ku bixiyey in saraakiisha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya ee mas’uulka ka ahaa imtixaanka dowladda ee shahaadiga inay isaga baxaan degaanada maamulkooda.

Isagoo la hadlayay arday bannaanbax ka dhigtay magaalada Jowhar oo looga soo horjeeday go’aankii wasiirka waxbarashada ayuu sheegay inuu arkay imtixaanka lagu faafiyey baraha bulshada, laakiin uu u qaatay inay dacaayad ahaayeen, wuxuuna is weydiiyay sababta aan tallaabo degdeg loo qaadin xilligii ay ku habooneyd oo la sugay ilaa lix maado markii laga qaaday ardayga.

“Dadka laga soo diray Xamar ee Hirshabelle ku sugan ee imtixaanaadka qaabilsanaa waxaan leenahay ku noqda meeshaad ka timideen.. waad fashilanteen, shaqadiinii waad gabteen… amnigiina dhibaato ayuu nagu yahay..” ayuu yiri Madaxweyne Waare oo si weyn u cambaareeyay go’aanka ay qaadatay xukuumadda ee lag kansalay imtixaankii iyadoo aan laga tashan.

Ad

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa caddeeyay in wixii hadda ka dambeeya ay Hirshabaalle maamul doonto imtixaanka ardayga degaanadeeda, wuxuuna sheegay inuu guddi u saarayo arrintan oo go’aan laga gaari doono.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON