Monday, March 24, 2025

Madaxweyne Waare oo ka hor yimid Guddigii Farsamada Doorashada Hirshabelle (Waqti kordhin miyuu raadinayaa?)

Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hor yimid Guddiga Farsama Doorashooyinka Hirshabeelle ee uu dhowaan magacaabay, isagoo ku gacan seyray jadwalka doorashada ee ay soo saareen maanta.

Qoraal kasoo baxay Madaxweyne Waare o waqtigiisu sii dhammaanayo ayaa lagu sheegay in jadwalka Guddiga aanu ka tarjumeynin xaqiiqaada ka jirta Hirshabeelle, isla markaan loo baahan yahay in la sameeyo tallaabooyin ka horeeya oo ay ka mid yihiin:-

-In la dhammeystiro Guddiga

Ad

-In tababar loo furo Guddiga

-In Shirweyne loo qabto odayaasha Beelaha

-In laga heshiiyo awood qeybsiga beelaha dhexdooda

- Advertisement -

Arrintan ayaa u muuqata in isbedel ku yimid Madaxweynaha Hirshabeelle oo hore u taageersanaa doorasho degdeg ah oo Hirshabeelle ka dhacda oo ay gadaal ka riixeysay Madaxtooyada Soomaaliya.

Qodobadda uu Madaxweyne Waare ku xirtay in jadwal loo sameeyo Doorashada Hirshabeele ayaan ku qabsoomi karin mudadda u harsan xilkiisa oo ah maalmo, waxaana muuqata in muddo kororsi loo socdo.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON