Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle si kulul u weerarray maamulka Gobolka Banaadir, isagoo sheegay in amniga caasimadda uu mar dhow faraha ka bixi doono.
Isagoo ka hadlayey xilli uu kasoo laabtay shirkii madaxda maamul Goboleedyada ee magaalada Kismaayo ayuu sheegay in Muqdisho aanu ka jirin maamul awood leh oo ka shaqeyn kara danaha dadka degan ee uu yahay maqaarsaar gacanta ugu jira dowladda oo xil ka qaadis lagu handado.
“G/Banaadir maamulka ka dhisan kama hadli karo xaaladda magaalada ka jirta, qofkii lagala xisaabtami lahaa wuxuu u cabsanayaa jagadiisa.. xaaladda amniga xamar inay wax iska bedelaan haddii la rabo waa in loo dhisaa maamul dadkiisa soo doorto..” ayuu yiri Waare oo ku baaqay in Muqdisho hesho maamul dadkiisu soo doortaan.
Dowladda federaalka ayuu sheegay inay culeys gaara saartay labada maamul ee Hirshabelle iyo Galmudug, iyadoo kuwii kale iska dhaaftay, wuxuuna yiri: “Haddii Hirshabeelle iyo Galmudug Ari dagan yihiin maa la arki doonnaa..”
Weerarka afka ah ee madaxweynaha Hirshabeelle ku qaaday dowladda Federaalka ayaa loo dadka qaarkii u arkaan inuu yahay mas’uul cagta saaray wadadii xilka looga qaadi lahaa.
HOOS KA DAAWO