Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inuu uga sii daray xaalada dagaal ee Marinka Gaza.
Isagoo khudbad ka jeediyay xildhibananada xisbigiisa Baarlamaanka Turkiga ayuu ku sheegay in dhinac u xaglinta Golaha Amniga ay dhaawac xun u geystay sumcadda Qaramada Midoobay, kadib markii lagu guuleysan waayey inuu soo baxo go’aan lagu joojinayo dagaalka Yuhuuddu ka wadao Gaza.
“Tan iyo 7-dii October, Israa’iil waxay qaaday weerarradii ugu naxariista badnaa taariikhda, waxayna dishay carruurtii ugu badneyd. Xamaas ma aha urur argagixiso; Balse waa dhaqdhaqaaq xornimo doon ah oo dhulkiisa iyo dadkiisa badbaadiya”.” ayuu si cad u yiri Erdogan.
Wuxuu dalbaday in la sameeyo marin bini’aadantinimo oo degdeg ah si gargaarka loo gaarsiiyo Marinka Gaza, iyadoo aan caqabado loo dhigin. “Waxaannu reer Banii Israa’iil u haynay niyad wanaagsan, laakiinse waxay ku xadgudbeen niyaddayadaasi wanaagsan, waxaana joojiyay booqashadii aan ku tegi lahaa Israa’iil” ayuuna yiri.
“Israa’iil sidan kuma sii socon karto sidan, xitaa haddii Maraykanka iyo reer Galbeedka ay garab istaagaan. in wadamada Islaamka si midaysan u dhaqaaqaan ayaa sahlaysa in la gaaro nabad iyo xabad joojin”. ayuu soo jeediyay Madaxweynaha Turkiga
Waxaan sii wadi doonaa inaan ka shaqeyno qabashada shir nabadeed Falastiin iyo Israa’iil oo ay goobjoog ka yihiin dhammaan dalalka firfircoon ee gobolka.
Turkiye waxay soo jeedisay inay noqoto dal dammaanad qaadaya, waxaanan diyaar u nahay inaan dammaanad ka noqono dhinaca Falastiin.
Erdogan wuxuu sheegay inaysan suurtogal ahayn in hay’addii qaabilsaneyd Amniga iyo xasiloonida dunida inay kaliya muujisowalaac, taasoo meesha ka saartay inay awood u leedahay xaqiijinta nabadda iyo xasilloonida caalamka.
Erdogan oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Hay’adaha Qaramada Midoobay, gaar ahaan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka iyo howlgelinta ee Qaxootiga Falastiin (UNRWA), ay noqdeen howlgab”.
Sidoo kale madaxweynaha Turkiga wuxuu Mareykanaka ku eedeeyay munaafaqnimo siyaasaded marka uu hubeynayo Israel, isla markaana diidan yahay in xabadda la joojiyo.