Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku biiray weerarka afka ah ee lagu qaaday gabadha Soomaaliyeed ee ka tirsan Koongareeska Mareykanka Ilhaan Cumar oo lagu heysto inay barteeda twitter-ka ku baahisay qoraal muujinaya Yuhuud Naceyb.
Trump ayaa ka hadlay arrinta Senator Ilhan Omar, wuxuuna yiri: “Waxaan filayaa inay la gudboon tahay inay xilka iska casisho Koongareeska ama ay iska casisho xubinnimada Guddiga Arrimaha dibadda.., wuxuuna intaas ku daray mar uu saxafiyiin la hadlay inay nafteeda ceeb u soo jiiday, hadalladeeduna ay ahaayeen kuwo aad u xun, wuxuuna sheegay in raaligelinta ay bixisay aysan ku filneyn.
Hadalka kasoo yeeray Ilhaan Omar ayaa si weyn oo cambaareeyay, iyadoo xubno ka tirsan labada xisbi ee Dimoqraadiga iyo Jamhuuriga ay cambaareeyeen [Halkan ka Akhriso], waxaana ay bixisay raaligelin.
Qoraal muhiim ah oo uu qoray wargeyska Washington Post ayaa si faahfaahsan uga hadlay waxa lagu heysto Ilhaan Cumar inay hore u sameeyeen siyaasiyiin uu ka mid yahay Madaxweyne Trump, balse aan loo daba gelin sida maanta loogu dhegan yahay Ilhan Cumar. [Akhriso]